WordPress.org

Soomaaliya

Ready to get started?Download WordPress

Soo Dhowoow

Localized version screenshot

WordPress waa barnaamij kombyuutar oo aad u adeegsan kartid abuuridda iyo maamulidda website ama balog/joornaal waafaqsan xeerarka iyo habka webka casriga ah lagu dhiso. WordPress waa bilaash, lacag la’aan.

Xeerka laf-dhabarta u ah barnaamijkaan waxaa dhisay boqollaal xubnood oo samafalayaal ah, waxaana jira kumannaan naqshado (themes) iyo kaabayaal (plugins) aad bilaash ku xulan karto, kuwaasoo shaqada iyo muuqaalka webkaaga u bedelaya qaab walba oo niyaddaada ku soo dhaca. Qiyaastii in ka badan 25 milyan oo dad ah ayaa u doortay in barnaamijkaan ay ku maamushaan hoyga ay Internetka ku leeyihiin — adigana waxaan kula rabnaa inaad ku soo biirtid bahda WordPress.

Rakibidda Barnaamijkaan

Rakibidda barnaamijkaani waa sahlan tahay, waxaad u baahantahay in aad raacdid saddexda tallaabo ee kala ah:

  1. Soo rogo WordPress
  2. Ku shub barta aad internertka ku leedahay
  3. Booqo website-kaaga, ka dibna buuxi foomka uu kuu soo saaro.

Qaabkaan oo tallaabo-tallaabo aan u sharraxnay waxaad ku baran doontaa casharro aan hadda diyaarintooda gacanta ku haynno, aanna rajaynayno in aan soo gelino halkaan si looga faa’iidaysto.

Balog

WordPress oo ku Tarjuman Af-Soomaali

9 April, 2011

Ku soo dhowaada so.wordpress.org oo ah WordPress oo ku tarjuman luqadda Af-Soomaali. Fadlan haddii aad aragtid erayo kaga haboon tarjumada hadda ee https://so.wordpress.org/ waxaad noogu soo diri kartaa qaybta xiriirka ee dhanka sare ee bogga, si markaas aan tarjumada ugu wanaagsan ugu qorno.