Title: Ereyfur
Author: J
Published: 4 Febraayo, 2012
Last modified: 25 Sebteembar, 2014

---

# Ereyfur

**moderation**: ilmarin / il·marin /

 * Faallooyinka booqdayaasha oo meel gaar ah lagu kaydiyo ka dibna isha la mariyo
   si loo jasuureeyo (faafreebo), loogana saaro ereyada aan ku habboonayn in dadweynuhu
   arko.

**moderator**: ilmariye / il·mariye /

 * Qofka u xilsaaran faafreebka qormooyinka adeegsadayaashu ku qoraan goleyaasha
   iyo baraha kale ee internetka. Wuxuu ka saaraa hadallada gefka, marinhabaabinta,
   iwm ah.

**browser**: sahmiye /sah·min / (ama: sahamiye /saha·miye /)

 * Barnaamij lagu helo, laguna daalacdo qoraalka iyo giddi gudayaalka ku jira baraha
   internetka ayadoo la adeegsanayo magac ama negel bartaas u gaar ah (tusaale wordpress.
   org) ~ browser.

**password:** ereykugal / erey·ku·gal /

 * Erey qarsoodi ah oo lagu galo koonto ka furan baraha internetka ama barnaamijyada
   kale ee kombuyuutarku ku shaqeeyo. Marka ereygaan lagu qorayo godka loogu talo
   galay wuxuu u muuqdaa sidaan ****** oo asteyaashiisa runta ahi waa sir maadaama
   laga ilaalinayo in dadka ka ag dhow adeegsaduhu ay daalacdaan qoraalka runta 
   ah ee ereykugalka.

**username:** magackugal / magac·ku·gal /

 * Magac aqoonsi ah oo qof looga yaqaan kob internetka ama barnaamijyada kale ee
   kombuyuutarku ku shaqeeyo ah. Magac kasta oo caynkaan ah waxaa bar walba loo 
   isticmaali karaa hal mar; ~ aqoonsi.

**load:** rar

 * In dhigaal laga raro kombuyuutar oo mid kale loo raro. Tusaale ahaan marka qofku
   daalacanayo baal yaal bar internetka ah, waxaa barnaamijka sahmiyaha ee adeegsaduhu
   uu baalkaas ka soo rarayaa kombuyuutarkii asalka ahaa ee baalkaasi yaalley, wuxuuna
   ku-meel-gaar ahaan ugu kaydinayaa xero ku taalla kombuyuutarka adeegsadaha.

**reload/refresh:** rarceli / rar·celi /~ rarcelin / rar·celin /

 * In mar labaad lagu amro in sahmiyuhu baalka soo raro ayadoo la adeegsanayo talad
   gaar ah; si loo helo ogmo dheeri ah oo lagu daray inta baalku furnaa, ama uu 
   markii hore sahmiyuhu soo rogi waayey.

**information**: ogmo / og·mo /

 * Warbixin la kasi karo. Waa xog la liilshay natiijada ka soo baxda. Tusaale: haddii
   lagu siiyo xog ah `1, 3, 7, +, ×` ma aad garan kartid ujeedkooda runta ah illaa
   aad liilabtid si aad u heshid natiijadooda. Marka la liilabo waxay noqon karaan`
   1 + 3 × 7` oo la mid ah `22`. Ujeedka soo baxay waa `1, 3, 7, +, ×` oo xog ah
   iyo `1 + 3 × 7 = 22` oo ogmo ah.

**option(s):** xulanti(yo)

 * Waa godad uu qofku ku buuxin karo sudmeyaal wax ka bedela qaabka web gaar ahi
   u shaqaynayo, u muuqanayo ama ogmo ula dhaafsanayo web kale. Xulantiyadu badanaa
   waa dookh oo haddii qofku iska dhaafo waxba uma dhimayaan shaqada asaasiga ah
   ee barta WordPress ku dhisan.

GUI (Graphic User Interface) = Galfoolka Shaxan ee Adeegsade (GSA)
 UI (User Interface)
= Galfool Adeegsade Menu = Taxmo Apostrophe (‘) = firgin Filename = Magacgal FAQ
= Weydiimo Joogto ah (WJ) Semantics = Dhadhan Array = Gano (ganto) Variable = Doorsoome
Oder (e.g. Page order) = Iskuxig Bold = Riban Shuffle = Baandho / Baandee / (baandhayn)
Filter = Shaandho / Shaandho / (shaandhayn) Volume = Mug Default = Gabaad Tagline
= halkudheg Buffer = Horin Tool(s) = Sito(oyin) Reload = rarceli(n) Toggle = feyd(
tusaale feydid) Loop = Galool Information = ogmo/ogaal Technology = farsameeti/farsamaati
Load = rar Chorus = dhextaallo Update = Cosobi(n) Option(s) = xulanti(yo) Dashboard
= Jaafka wadidda Memory = Xusuus Typo = Qalindaar Full-screen = Dhugadbuux Ordered
list = Tax Hannaanle Unordered list = Tax Hannaanla’ Link = Dabar Unlink = Dabarfur
Preload = Hor’urar Upper roman = Rooman sare Lower roman = Rooman hoose Accessibility
= Towtabasho Version = Meeris Permalink = Dabar sugan / Dabarsugan Configuration
= Higillaab Path = Tub Title = Suraab Plain = Qayaxan Active = Falgashan Activate
= Falgeli Activation = Falgelin Deactivate = Faljoojin Research = Raadraac Configuration
= Higillaab Interface = Galfool Reply = Halcelin Install = Rakib Installation = 
Rakibid Username = Magackugal [The Username = Magackugalka] Resource = Keyse Uniform
Resource Locator = Raadmeelka Keyse Madoorsoome Uniform Resource Indicator = Amuujaha
Keyse Madoorsoome Attribute = Sitaan-ta [Attributes = Sitaamo-ha] Tag = Sudhtin 
Article = Qodob [Ama Maqaal] Manual = Gacmeed Automatic = Darwadan (Dar + wad) Trackback
= Raadcelis Alternate = Dheeri Done = Yeelan Feedback = Falcelis Anonymous = Dahsoon
Preview = Horu’eeg Restore = Dibuceli Disable = Taagtir API = Galfoolka Qashaaraynta
Taabbagalme Small Letter = Tibix Yaraad Capital Letter = Tibix Madaxeed Upper Case
= Tibix Sare Lower Case = Tibix Hoose Database = Xoggun Publish = Faafi Crunching
= Xuuraamin Instant Messaging: Farriin Dedeje Pending = Hubinsug Excerpt = Arar 
Space = Goof Rich Editor = Tifaftiraha Hodman Rich Editing = Tifaftirka Hodman Rich
Text = Qoraal Hodman Speech = Waxsheeg Figure = Higil Apparatus = Jaantus Query 
= warsad/warsi XHTML Friends Network = Falkanaha Jaalka XHTML Include = Ku biirin
Navigation = Gooshid Roaming = Mushaaxid Pingback = jibiqcelis Underscore = jiitinhoosaad
Profile = Hummaag Bio = Mahadho Absolute positioning = Meelayn idloon Finished =
Ebyan Emotions = Qiiro Grid = Laydimo Property = Lihi Paragraph = Tuduc Ignore =
Ogaaldiid Font = Sitibix Indent = Gude’udurkin Outdent = Dibad’udurkin Anchor = 
Barroosin Pick = Gurbi Color Picker = Midab Gurbiye Classification = Qoodtus/Able’ablayn
Mute = Shib License = Shati General Public License (GPL) = Shatiga Mahwiga Guud (
SMG) Lesser General Public License (LGPL) = Shatiga Yar ee Mahwiga Guud (SYMG) Expression
= Hawraar Sequence = Sunsun Column = Sarab Row = Mardin Context = Duluc Static Page
= Bog Neg Coordinate = Barkulan Coordinated = Barkulman Coordinated Universal Time(
UTC) = Ammin Uunka Barkulman (AUB) Frame = Saab Tile = Marmar Schedule = Kolqoonde
Family = Qoys Kinship = Sokeeye Relatives = Xigaalo Software = Qorshedaar Program
= Qorshedaar Time Zone = Ammin Aag Static class method = Habraac qood neg Locale
= Carri Repository = Bukaar Release Candidate = Baahin u Taagane Spam = Dullin Spammer
= Dullinle Multisite = Degelbadan Library = Qorool Select = dooro Selected = dooran
Selection = dooran Select all = Wada dooran Delete = Tirtir Remove = Bixi Destroy
= Baabi’i Cancel = Laal Approve = Ansixi Disapprove = Buri Apply = Fuli Accept =
Aqbal Ok = Hagaag Oops! = Hayaay! Janaayo Febraayo Maarso Abril Maajo Juunyo Luulyo
Agoosto Sebteembar Oktoobar Nofeembar Diisembar Jan Feb Maa Abr Maa Juu Luu Ago 
Seb Okt Nof Dii

Sabti
 Axad Isniin Talaada Arbaca Khamiis Jimce SA AX IS TA AR KH JI

♣ = Karaawil
 ♦ = Dheeman ♥ = Hadhiin ♠ = Isbig

 