Ku Saabsan

WordPress wuxuu ku soo bilawday gu’gii 2003 dad far-ku-tiris ah iyo qayxo yar oo lagu tayaynayay farshaxanka qoraallada maalinlaha ah. Waayo kadib, waxaa maanta qorshedaarkan ku shaqeeya malaayiin barood oo ay maalinle u booqdaan tobannaan milyan oo qof. WordPress wuxuu noqday qorshedaarka ugu badan ee loo adeegsado blog qoridda.

Guud ahaan gunyaallada ku jira baraha WordPress, ka biloow dukumiintiyada adeegsiga kuna gee qayxada laf-dhabarta u ah qorshedaarkaan, waxaa giddi alkumay loona alkumay jaaliyadda. WordPress waa jaangooyo il-furan (open source); boqollaal qof oo ka kala yimid daafaha adduunka oo ku kala hadla afaf kala duwan ayaa maalinle uga shaqeeya.

Waxaad kuu furan inaad u adeegsato qorshedaarkaan wax walba oo aad jeceshahay sida xusuus-qorka kooxdaada kubbadda cagta ama barta midka mid ah iskaashatooyinka Fortune 500, adiga oo aan bixin lacag shati aanna cidna oggolaansho weydiisan.

Saw wax loo bogo ma ahan?

Faahfaahinta so.WordPress.org

Website-kaan so.WordPress.org waxaad ka soo rogan kartaa qorshedaar lagu magacaabo WordPress oo ku diyaarsan Af-Soomaali. Haddaba, si aad intaas u yeeshid waxaad u baahan tahay marti-geliye Internet (web host) buuxinaya shuruudaha WordPress. WordPress waa barnaamij aad ged iyo hab walba u adeegsan kartid, qaban karana shaqo walba.

Maxaa WordPress loo adeegsan karaa?

WordPress wuxuu ku soo bilowday hab balogeed, balse waxa uu isu beddelay hab lagu maamulo gunyaallada baraha webka, kaabeyaasha iyo naqshadaha aad adeegsan kartid awgood, waxaad WordPress u geddiyi kartaa sida aad doontid, aragtidaada iyo xeeladahaaga tabeed keli ah ayay ku xiran tahay in aad qorshedaarkaan u bedeshid wax walba oo aad awaashid.

Maadaama ay dad iskood-wax-u-qabsadayaal ahi ka dambeeyeen dhisidda qorshedaarkaan, waxa aad adiguna dhankaaga ku deeqi kartaa wixii tab ah ee aad haysid; qayxo, gudbadhig, sixid, talo, waano, iwm…

Sooyaal Kooban

WordPress wuxuu ku yimid yiddidiilaha loo qabay helidda qalab faafineed hufan, raacsanna xeerarka habsamida, ku qoran PHP, ku shaqeeya xoggunka MySQL, il-furan, bilaash ah kuna baahsan Shatiga Mahwiga Guud (SMH) meeriskiisa 2 (ama kuwii ka dambeeyay).

Qorshedaarkani wuxuu si rasmi ah u beddelay b2/cafelog.

WordPress waa qorshedaar daray ah, balse xididdadiisa iyo horumarintiisu ka soo bilawdaan 2001. Waxaannu filaynaa annagoo yoolka saarayna waaya’aragnimada adeegsadaha iyo xeer-haaneedka webka in aan alkunno qalab ka duwan, kana wanaagsan wax walba oo hore u jiray.

Sooyaal dheeraad ah oo ku saabsan WordPress ka eeg bogga Wikipedia ee WordPress ama boggayaga qaybta Codex.

Ka Qayb-qaatayaasha

Hoggaanka Horumarinta

Matt Mullenweg, Ryan Boren, Mark Jaquith, Andrew Ozz, iyo Peter Westwood.

Naqshadaynta

Ben Dunkle, Matt Thomas, iyo Jane Wells.

Horumariyayaal Tabiino ah

Michael Adams, Nikolay Bachiyski, Jon Cave, Dion Hulse, Daryl Koopersmith, Andrew Nacin, Joseph Scott, Andy Skelton, iyo Samuel Wood

Dukumintiyayn iyo Kalkaalo

Mark Riley iyo Lorelle.

Horumariyayaal Hore

Robin Adrianse, Dougal Campbell, Donncha O Caoimh, Robert Deaton, David House, Alex King, Mike Little, Michel Valdrighi (qoraagii b2), iyo Owen Winkler.

Gudbadhigga Soomaaliga

Jamàl, Inj. Maxamed Cali, Mahad Askar, iyo Saciid Cabdi.

Sidoo kale…

Michael Heilemann, Matthew Paul Thomas, Ulf Harnhammar, iyo Brian Meidell.

Aragtiyo iyo Horseed

Movable Type, Drupal, iyo TextPattern.

——

…iyo kumannaan kale oo ka qayb-qaatay ku gudbadhigga WordPress afaf kale, soo tebinta cilladaha, dukumiyaynta, kalkaalidda adeegsadayaasha iyo faafinta ereyga WordPress.